Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayay sii deynta Mukhtaar Roobow oo Nairobi ku soo idlaaday & Kheyre oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in shir looga hadlayay sidii loo sii deyn lahaa Sheikh Mukhtaar Roobow Mansuur uu kusoo idlaaday magaalada Nairobi.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Koofur Galbeed, xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed iyo masuuliyiin kala duwan, sida xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka ay shaaciyeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wasiiro hore, xubno ka tirsan IGAD iyo musharixiintii u tanaasulay Mukhtaar Roobow ay shirkaasi ka qeyb galeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Malaaq Cabdi Maxamed Isaaq oo qaraabo dhow ay yihiin Roobow.

Malaaqa ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti iyo xubno kale ay goobjoog ka ahaayeen shirka oo lagu heshiiyay in lagu sii daayo  Mukhtaar Roobow, islamarkaana xubnaha heshiiska gaaray ay imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Malaaqa ayaa sidoo kale sheegay in Shirkaasi uu Khadka Taleefanka uu kaga qeyb galay ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.

“Wadahadalka Nairobi waxaa qeyb ka ahaa IGAD oo gacan seddexaad aheyd, waxaa arinta iyo ololaha ka dambeeyay kooxdii isbadal doonka aheyd ee u tanaasulay ROOBOW, dhamaan waxaa lagu heshiiyay in lasii daayo wadaadka”.

“Dhamaan dadka wadahadlay waxaa lagu heshiiyay in Mukhtaar Roobow lasoo daayo, iyadoo dhamaan dadka wadahadlay ay Muqdisho imaan doonaan, kadibna ay Baydhabo tagi doonaan”ayuu yiri Malaaq Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December ee sanadkii hore Mukhtaar Roobow kasoo xirtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this