Deeq A. Posted March 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kasoo muuqday muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa ka hadlay kiisaska kufsiga. Mr Xasan ayaa ugu baaqay hay’addaha garsoorka in ay si qoto dheer u eegaan xukunada ay ku ridayaan kiisaska kufsiga. Waxa uu soo jeediyay in xukunka lagu ridayo ragga dambi kufsi ah lagu helo uu noqdo dil toogasho ah. Hadalka wadaadka ayaa kusoo aadaya iyada oo bishii hore magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu kufsaday gabar yar. Kiiskaan gabadhaasi ayaa haatan horyaalla hay’addaha cadaalada maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo xukunka laga sugayo. Illaa iyo todoba qofood ayaa kiisaskii ugu dambeeyay ee kufsi la xiriira ee dhacay Puntland loosoo qabtay, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood lasii daayay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites