Deeq A. Posted March 21, 2019 Muqdisho (SMN)- Shirkan oo mudo sadex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday maamul goboleedyada,ururada bulshada rayidka,xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka iyo wakiilo matalayay qaar kamid ah wasaaradaha xukuumadda. Shirka ayaa lagu falanqeeyay astenyta awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo saameynta uu leeyahay federaalka,waxaana halkaasi fikrado kala duwan soo jeediyay mas’uuliyiintii shirka ka soo qeyb gashay. Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shaaciyay in la dhaqan galin doono go’aanadii ka soo baxay shirka,wuxuuna u mahad celiyay ka qeyb galayaashii shirka sadexda maalmood socday. View the full article Share this post Link to post Share on other sites