Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ciidamada Laascaanood Baan Keeni Lahaa…”Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Sheegay In Ciidanka Qaranka Ee Jiidaha Bari Hawlgab Ku Noqday Furimaha Uu Ku Jiro

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in ciidanka Qaranka ee jiidaha Bari hawlgab ku noqday faramaha uu ku jiro, islamarkaana uu jeclaan lahaa in lagu soo celiyo Laasnaacood.

Saleebaan-Maxamuud-Aadan.png


Guddoomiyaha oo shalay mudaneyaasha la hadlayay ayaa u jawaabay xildhibaanno dhalliilay in xilligan ciidanka Qaranku isku fidiyo Bariga gobolka Sanaag waxaanu yidhi “Arrintan ciidamada, waar ciidamadu dalkoodii bay joogaan meel walbana way tagayaan. Maxaa looga cabanaya? Dee Badhan, Laascaanood, Saylac iyo Booramaba way tagayaan, Maxaa looga cabanayaa? Wax ay taraan mooye wax lugooyo ah oo ay soo kordhiyaanna ma hayno,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

Guddoomiyaha oo ka sii hadlaya waxtarka ciidanka Qaranka ayaa intaasi raaciyay “Waxaan jeclahay in ay Laascaanood ku soo noqdaan ee waanan helayn, inaga iyo dadka joogayba waxtar bay lahaayeen oo bulshaday ka qayb galayeen, hadda halkaas bay maxaabiis ku yihiin Tukaraq iyo hareeraheeda marka ciidamadu lugooyo ma wadaan ee yaynaan balo abuurin,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.


Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa horraantii sanadkii hore tagay degmada Tukaraq waxaanu madaxweyne Biixi diiday qorsheyaal la doonayay in dib loogu soo celiyo fadhiisimadoodii agagaarka Laascaanood mana cadda in guddoomiye Saleebaan ka soo horjeedo joogitaanka Ciidanka Qaranka ee jiidaha hore iyo in kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this