Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Ameeriko oo Tababar u soo xiray ciidan cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa in ka badan 260 askari oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti maanta tababar ugu soo xiray xarunta Kumaanda Buluusiya ee M/ Muqdisho.

Taliye Ameeriko ayaa sheegay in dufcadan ay tahay tii 10-aad oo tababar ku soo qaadata Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Waxa uu tilmaamay in askartani ay isugu jiraan qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ciidamada loo diro dalalka dariska ay ugu tayo fiican yihiin kuwo Jabuuti.

Jabuuti oo ah dal daris la’ah Soomaaliya ayaa ka taageero dowladda federaalka dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhanka amniga, waxaana ciidamo ay ka joogaan dalka, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this