Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo ka hadashay dagaallada Galgaduud iyo Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaallo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeya dad walaalo ah oo deegaan wada daga.

Wasaaraddu waxay mas’uuliyiinta Hirshabelle, Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ugu baaqday inay si dhab ah ugu istaagaan daminta colaaddaas, waxaana ay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay colaadaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay kaalin wayn ka qaadanayso dib u heshiisiinta bulshada oo ka mid ah hawlaha ay u xilsaarantahay.

Halkan hoose ka Akhriso:-

FB_IMG_1552931814383-1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this