Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhowaad 100 qof, oo 48 saac gudahood ku dhintay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadarta tirada dadkii ku dhintay dagaaladii ka dhacay degaanada Xeraale iyo Burdheere ee Gobalada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe ayaa korartay kadib markii ay dhintayn qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada qabay ee la dhigay Isbitaalo ku yaala magaalada Muqdisho iyo Galgaduud.

Xog aruurin aan ka sameynay Isbitaalo ku yaala Caabudwaaq, Guricayl iyo Magaalada Muqdisho ayaa ku ogaanay in dhowr qof oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay degaanka Xeraale iyo Degmada Cadalle ay korartay.

Sidoo kale goobihii lagu dagaalamay xariiro aan la sameynay ayaa ku ogaanay in maydad badan oo hor leh laga helay aaggii lagu dagaalamay.

Degaanka Xeraale ayaa la sheegay in tirada dadkii ku dhintay ay gaartay 48 qof, kadib markii ay geeriyoodayn dhowr qof oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Caabudwaaq iyo Guricayl.

Sidoo kale degaanka Burdheere ayaa la sheegay in tirada dadkii ku dhintay ay korartay waxayna gaartay in ka badan 40 qof, waxayna wadarta dhimashadu ay haaraysaa 88  qof oo isugu jira Shacab iyo dhinacyadii dagaalamay.

Maanta xaaladda goobihii lagu dagaalamay waa dagan tahay waxaana la sheegayaa in wali ay is hor-fadhiyaan Ciidamadii dagaalamay waxaana laga cabsi qabaa in markale dagaalo dhacaan hadii aan xal la dhax dhigin dhinacyadii dagaalamay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this