Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Balcad Ee Gobolka Shabellaha Dhexe (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagala xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa la sheegay in Saddex jiho ay kasoo weerareen degmadaasi oo ay ugu dambeyn la wareegeen qeyb ka mid ah degmadaasi.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu socday saacado badan, iyadoo aan lasoo sheegin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Waxa ay Al-shabaab maxaabiis kasii daayeen saldhigga degmada Balcad, waxaana ugu dambeyn la sheegay in iskood ay halkaasi isaga baxeen, iyadoo ciidanka dowladdana ay dib ula wareegeen meelihii Al-shabaab isaga baxeen.

Dhanka kale, ciidamada AMISOM oo fariisin ku leh warashaddii dharka ee degmada Balcad ayaa hoobiyeyaal kusoo garaacay meelaha ay Al-shabaab kaga sugnaayeen degmadaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREYSI-DAGAALKA-BALACAD.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this