Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Qof aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa lasiin majirto”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay askar sheegtay in muddo Afar bil ah aanay qaadan wax mushaar ah.

Wuxuu sheegay Kheyre in mushaarka iyo xuquuqda ay ciidanku leeyihiin ay bixiyeen, inta aan helinna ay tahay kuwa aan la diiwaangelin.

“Maalmahaan waxaa la lahaa ciidamo ayaan mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa la siin ma jirto, inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaangelin”

Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay iney rabaan in askarta bil walbo ay mushaarkooda qaataan oo aan dhexda laga bixin, sidaasi darteedna ay diiwaangelin ku bilaabeen askarta.

Dhowaan ayeey ahayd markii ciidamo ka tirsan xoogga dalka kuna sugan gobolka Shabellaha Hoose isaga soo baxeen deegaanka Dhanaane kadib markii ay sheegeen in aanay Afar bil mushaar qaadan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Kheyre.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this