Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan G/ Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelwaaq (SMN) – Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay la wareegeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.

Deegaankan oo qiyaastii 40 KM koonfur ka xiga degmada Ceelwaaq ayaa la sheegay in ay isaga baxeen ciidamada Kenya oo muddo ku sugnaa halkaasi.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay u ruqaansadeen dhanka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Al Shabaab ayaa si nabdoon kula wareegay gacan ku heynta Buusaar, iyaga oo goob fargaare ah kula hadlay dadweynaha deegaankaasi.

Ciidanka milatariga Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa horay uga baxay dhowr fariisimo oo ay ku lahaayeen gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this