Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay Al Shabaab ay ku qaadeen, kuna qabsadeen degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in dhowr jiho ay ka soo weerareen degmadaasi, kadibna ay dagaal uga saareen ciidamada dowladda.

Dagaal toos ah oo muddo saacado ah qaatay ayaa labada dhinac ku dhexmaray halkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Al Shabaab ayaa la sheegay in markii dambe ay u suura gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta xarunta maamulka Balcad iyo Saldhigga degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahannada Al Shabaab ay sii daayeen tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa halkaasi.

Inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha ayaa hadane mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle waxa uu  sheegay in uu arkay 5 dhimasho ah iyo 2 dhaawac ah.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo xero ku leh warshaddii hore ee dharka Balcad ayaa la sheegay in madaafiic xoogan ay ku gaareen degmada, intii uu socday dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa dhankooda lagu sheegay in weerarkani ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidanka DFS, kuna gubeen 4 gaari, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona ciidamada milatariga a ay dib ugu laabteen degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe, kadib markii ay isaga baxeen Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this