Sign in to follow this  
Deeq A.

Guudlaawe “HirShabelle wax lug ah kuma lahan colaada Cadale”

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) –  Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu horeyn Cali Guudlaawe ayaa beeniyay eedeymo loo jeediyay oo ahaa in maamulku uu ka qeyb qaadanyo hurinta colaadaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dad leh dano gaar ah ay sii kicinayaan xiisadaha dagaal ee ka taagan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dagaallo u dhexeeya maleeshiyo beeleed uu ka qarxay deegaano hoostaga degmada Cadale, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac .

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this