Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar sabab oo keentay in ciidamada DF aysan afar bil helin murshaarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo ay dowladda falcelin ka sameysay arrintaan hadana ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaan wax mushaar ah qaadan afartii bil ee ugu dambeysay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka iyo wasiirka Difaaca ayaa tagay wasaaradda gaashaandhigga todobaadkii lasoo dhaafay, waxaana jirta in labada mas’uul ay saraakiisha ay uga warbixiyeen sababta ka dambeysa ineysan ciidamadda xoogga dalka helin xuquuqdooda aas-aasiga ah.

Haddaba aan falanqeyn ku sameyno sababta keentay, waxaana halkaan hoose idinku sharaxi doonaa saddex sabab oo ay nala tahay ineysan ciidamada ku helin xuquuqdooda.

HABACSANAAN XUKUUMADDA AH 

Inta la xasuusto taariikhda yar ee madaxda hadda talada heysa, ma qaadaan wax tallaabo ah oo ku aadan xal u helidda mushaarka cidamadda, balse waxaan aragnaa iney mar walba ku cel-celiyaan iney mushaarkooda bixin doonaan.

Waxaa la fahamsan yahay in xuquuqda ciidamadda aysan mar walba aheyn mid xil la iska saaro amaba loo arko muhiimadda koowaad, waayo waxaan aragnaa in mar walba ay yahiin kuwa ugu dambeeya ee la siiyo mushaarka iyagoo haya shaqada ugu adag.

Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda ayaana kaga horreeya safka mushaar bixinta oo ay ka fakaraan mar walba madaxda hoggaamisa ciidanka iyo Wasaaradda Maaliyaddaba.

Sarkaal hore oo aan magaciisa la sheegin ayaa laga hayaa inuu mar u sheegay dowladda iney xuquuqda ciidamada hormariso maadaama ay yahiin kuwa madaxooda lagu noolaado sida ugu badan.

DIYAARSANAAN LA’AAN DHANKA CIIDAMADA AH 

Dhawaan waxaa la hirgaliyay nidaam la sheegay inuu sahlayo habka ay ciidamada ku helayaan mushaarka, waana hab casri ah oo ay ka fakartay wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Nidaamkaan wuxuu ku dhiiri-galiyay Ciidamada iney sameystaan akoono banki, kuwaas oo ay ku helaan lacagtooda, waxaana la fahamsan yahay ineysan waqtigaan ciidamada u nugleyn nidaamkaan, waxeyna ka jecel yahiin iney gacan qabsi ahaan u qaataan.

MUSUQ MAASUQ MUSHAAR 

Waxaa la fahamsan yahay inuu jiro musuq dhanka mushaarka ah oo ka imaanaya gacan ka hooseysa wasaarada maaliyadda, waana hoggaanka ciidamadda kuwaas oo dowladda ka qaata lacdago ka badan tirada askarta ay maamulaan, sidaas ay tahayna kuwii xisaabnaa aysan xitaa lacagtooda.

Arrintaan waxey keentay ineysan askarta qaar helin mushaarkooda maadaama ay gacan kale soo mareyso, sidoo kalana dowladdu maahan mid heysata dakhli ku filan.

Sarkaal hore oo ka tirsan ciidamada ayaana kula taliyay dowladda inay tirakoob sax ah iyo hubis ku sameyso tirada ciidamada, sidoo kalana ay dabagal ku sameeyaan lacagaha ay bixiyaan ee lagu sheego in ciidamada lasiiyo.

Dhammaan arrimahaan aan kor kusoo sheegnay waxey hoos imaanayaan musuq-maasuqaa ay xubnaha ugu sarreeya dowladda sheegeen iney la dagaalami doonaan, waxaana muuqata inaan wali laga guul gaarin.

LACAGTII MUSHAARKA OO MEEL KALE LOO ISTICMAALo

Dowladaha soo maro dalka ayaa lacagaha mushaarka loogu talagalay Ciidamada iyo Shaqaalaha kale ee Dowladda u isticmaalo meelo kale, sida loolan dhanka Doorashada ah, Xallinta Khilaafaadka soo kala dhexgalo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul Goboleedyada.

Dowladda hadda jirta ee Farmaajo, waxaa qarash badan uga baxay dagaalkii siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo dagaalladii kale ee ay la gashay maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale jirta in dowladda ay lacag badan ku bixiso siyaasiyiin, suxufiyiin iyo dadka caanka ka ahn baraha bulshada, kuwaas oo lacag lagu siiyo kaliya inay dowladda ammaanaan, kana ilaaliyaan dhaliisha. Xafiiska warfaafinta Villa Somalia ayaa miisaaniyad badan ku qaataa sidii uu u laaluushi lahaa warbaahinta iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada.

Waxaa xitaa jira warbaahin bishii kumanaan dollar qaadata, iyo dad facebook ka qeyliya oo bishii qeyladaas ku qaata lacag 500 illaa 1000 dollar ah, halkas askariga dagaalka ku jira loo la’yahay 100 dollar.

Taas ayaa keentay inay Ciidamada Dowladda Mararka qaar waayaan mushaarkooda, waxaana tusaale kuugu filan inaysan Ciidamada hadda muddo 4 bil ah aysan wax mushaar ah ka helin Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this