Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka Siyaasadda Daba-Gura Ee Mashqaceeya Waxaa U Muuqda Somalilandoo Wadadii Keligii Talisnimo Cagta Saartay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadka siyaasadda DABA-GURA EE MASHQACEEYA wax walba wey u cad yihiin in oo wadanku WUU Ka baydhay Somaliland

1B7792AB-4D7F-4E5E-9C0A-B675FB1FD871.png

nimadii biyo geeddi socodkii laga soo bilaabo 2010kii. Xukuumaddii uu Siilaanyo Ka xanuunsaday in hantida guud Xukuumada laga wareejiyo oo hanti shakhsiyaad loo bedelo siyaasadda Xukuumadda Kulmiye ayey ahayd welina waa sidii. Madaxweyne Muse waxa qudha UU kaga duwanyey Xukuumadi Silaanyo Ka xanuunsaday waa qasnadaha uu Ka handraabtay Madaxa Xukuumadiisa waayo isaga waxaa Ka Goan inuu ciiidamada Kala duwan dhiso. Ayaan dhaw madaxda Police Ka Kala bedel baa KU Soo socda oo Kuwan KU raagay shacabkii lagu caddaadinaayey wey fahmeen.
Saami qaybsigu intuu sidaa yahay a ha sugina Inay siyaasadda Gudaha IYO ta debeddu hagaagto iyo in Xukuumad la wada leeyahay la dhiso markaa reer SOMALILAND oo dhami waa Inay indha Kala furaan oo waxa soconaya xaalad xaalad ula socdaan.
Shirkii Gacanlibaax wixii Ka soo baxay iyo heshiiskii beenbeenta ahaa ee Xukuumadii Siilaanyo Ka xanuunsaday iyo khaaatumo wada galeen wixii Ka soo baxay waa (identical) sinaba loo yeeli maayo markaa in Xukuumada labadan Askari ninkii isbedel Somalilanimo Ka sugaa waa qof riyoonaya baan anigu qabaa.
Toos u jaleeca wadadaynu soo marray sideedii sano ee u dambeeyey. Heshiisyadii Dekedda iyo Saldhiga Carabta iyo Ethiopia la siinayo, doorashadii Baarlamaanka, Doorashadii Madaxweynaha, Doorashadii dawladaha hoose, wasiiradii Xukuumaddii Siilaanyo Ka xanuunsaday siday xeridii lagu khiyaamaynayey oodda uga Soo daateen ee mudada indha sarcaadka loo dhigayey , xisbigii ucid sidii Faysal looga iibsaday waxa soo socdaa waa waxaa iyo wax kasii daran ee waa Inay REER SOMALILAND maanta la xisaabtamaan xukuumadda joogta HADDII kale burburbaa soo socda. Somaliland sidan adduunka kaga mid noqonayaa a ma jirto waayo ummad meel u wada socota oo wax wada leh maaha maanta.
Dhaqdhaqaaqa Sool iyo sanaag Ka socda codka bulshada Ka Soo baxayaa wuxuu leeyey Maamulka Hargeysa ee aan ummaddu u sinnayn doonimayno maaha cod Jabhadeed ee waa codka shacabka KU NOOL Sool IYO Sannaag boqolkiiba sideetan . Beesha dhexe waa ogyihiin dawladda iyo Xukuumadda labada midba kama dhexeeyo oo looma sinna, rajo midaynta ummadda oo muuqataana ma jirto MARKAA maanta ummaddu way qaybqaybsantay Kulmiye ayaa qayb qaybiyey. Xaalaadda indhaha ha lagu hayo.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this