Deeq A. Posted March 16, 2019 Boosaaso (SMN) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay dib uga soo baxeen deegaanada Buuraleyda Galgala ee G/Bari. Ujeedada ay ciidanku u soo faarujiyeen deegaanadaasi ayaa lagu sheegay in ay la xariirto cabasho ay ka qabaan mushaar la’aan heysata in muddo ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan arrintaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona cabsi xoogan ay ka taagan tahay meelaha ay soo baneeyeen ciidamadu, maadaama ay halkaasi ay ku xoogan yihiin Al Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites