Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal maanta ka dhacay MUQDISHO iyo xog ku saabsan waxa sababay

Recommended Posts

Deeq A.   

MUqdisho (Caasimada Online) – Waxa ay Faah faahin ka soo baxeysaa iska hor imaad barqanimadii maanta Muqdisho ku dhexmaray ciidan ilaalo u ah Gudoomiyaha Yaaqshiid & Ciidan ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Iska Hor imaadkaan ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Sanca oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid, Karaan iyo Shibis halkaas oo ay uxirneyd ciidamada booliska .

Inta la ogyahay waxaa dagaalka ku geeriyooday hal askari oo magaciisa lagu soo koobay Abkoow, kaas oo kamid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed oo dhawaan degmadaasi loo magacaabay.

Iska hor imaadka ayaa waxa uu yimid, sida dad goob joogayaal ah sheegeen, kadib markii gudoomiyaha degmada Yaaqshiid uu isku dayey inuu isgoyska Sanca u gudo dhanka waddada soo aada Nasiib Buundo oo u xirneyd ciidamada booliska.

Ciidamada ayaa la sheegay inay markaas ka biyo diiden waxaana muran soo kala dhex galay labadii ciidan, kadibna halkaas ay ka billaabatay is-rasaaseyn xooggan oo dhex-martay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this