Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka AMISOM oo qarax lagula eegtay Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyadan, xilli ay marayeen deegaanka Haan-Sheekh ee gobolkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda  khaaaraha dhabta ah ee  ciidamada AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxani ayaa baahiyay in ay ku burburiyeen gaari Gaashaaman oo ay lahayeen ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka  maamulka HirShabelle iyo kan gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee  ka howlgalla Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this