Deeq A. Posted March 16, 2019 Awdheegle (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa ku warramaya in maanta Al Shabab goob fagaare ah oo ku taalla degmada Awdheegle ay ku gubeen gaari Hoomey ah oo siday dhuxul. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen gaarigaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay xireen darawakii waday gaariga. Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah gaadiid daabula dhuxusha ee isticmaala deegaanada ay arrimiyaan ee K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites