Deeq A. Posted March 13, 2019 Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa In magaalada Kampala Lagu Soo gabagabeeyo shir madaxeedka madaxda Afrika Shirkan oo shalay ka furmay magaaladaasi ayaa waxaa ka qeybgalaya qaar ka mid ah madaxda wadamada Africa, wakiillo ka socda hay’adaha iyo Bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo xubno kale. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in maanta shirkaasi uu Khudbad ka jeediyo. Ulajeedka shirkan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalalka Africa ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo sidoo kale horumarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites