Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha degmo ka tirsan Muqdisho oo maxkamad looga yeeray (Dacwad xasaasi ah)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ka dalbatay inuu Maxkamada horkeeno Guddoomiyaha Degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun maalinta Sabtida taariikhduna ay ku beegan tahay 16-03-2019.

Guddoomiye Dhagajuun ayaa lagu heystaa inuu fara gelin toos ah ku sameeyay kiisas yaallay Maxkamada Degmada Hodan, sida lagu qeexay warqad ka soo baxday Maxkamadda Racfaanka.

Waxaa kaloo lagu heystaa Guddoomiyaha Degmada Hodan inuu ku xad gudbay sharafta Garsoorka dalka, islamarkaana uu isticmaalay awood aan loo idman.

Warqadan ayaa waxaa la ogeysiiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

C/xakiin Dhagajuun ayaa maalinta Sabtida ah marka uu hortago Maxkamadda waxaa su’aalo laga weydiinayaa eedeymaha loo heysto.

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

FB_IMG_1552411664085.jpg53890989_2381027352127288_37631780003260

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this