Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayo dhaqaalaha oo ka furmay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wadajir ah shir uga furay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha dhaqaalaha ayaa waxaa uu yahay mid u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.

Wasiir Jamaal oo ka hadlay furitaanka shirkani ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dowlad goboleedka Jubbaland ka caawineyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii loo hormarin lahaa daqliga maamulkaasi.

Kulanka ka furmay Kismaayo ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu gaaray magaaladaasi.

Wafdiga uu hoggaaminayo  ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo si ballaaran loo soo dhaweeyay ayaana xalay ku hoyday qasriga madaxtooyada Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this