Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre iyo Axmed Madoobe oo yeeshay kulamo albaabada u xiran yihiin iyo xog laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka u gu dambeeyo ee ka imaanayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa xaqiijinayo inay halkaas ka dhaceyn kulamo Alabaabada u xiran oo ay yeesheen Madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sida Xubno ku dhow dhow Axmed Madoobe ay u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online kulamada ayaa loo diiday inay ka qeyb galaan Saxaafadda iyo Mas’uuliyiinta kale ee ka kala socday labada dhinac, waxaana si gaar ah u wada hadlay Ra’isulwasaaraha iyo Axmed Madoobe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan uu ahaa mid labada dhinac ay uga hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre tabashooyin ay ka qabto dowlada Federalka, waxana uu sheegay ra’iisul Wasaare Kheyre in la xalin doono dhammaan tabashooyinka Maamulka Jubbaland.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo sida loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ayaa dhalisay shaki ah in Kheyre uu bilaabay olole uu ku doonayo in uu uga qeybgalo doorashada madaxtinimada dalka ee la rajeynayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Arrimaha shakiga ugu weyn abuuray ayaa waxaa ka mid ah ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kheyre uu ku jiro hami madaxweynenimo, islamarkaana safarkan uu qeyb ka yahay isbaheysi uu sameysanayo ka hor doorashada 2020.

Xubnaha madaxweynaha ku dhow ayaa walaac ka qaba in Kheyre uu awood baaxad weyn oo siyaasadeed yeelanayo xilli uu weli qeyb ka yahay dowladda.

Sidoo kale xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha oo beesha Axmed Madoobe ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso ayaa safarkan u arka mid Axmed Madoobe isbahaysi ka dhan ah madaxweynaha iyo beeshiisa uu ku sameysanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this