Sign in to follow this  
Deeq A.

Japan oo $1 milyan ugu deeqaya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Dowladda Jaban ayaa Soomaaliya ugu deeqeysa $1 milyan oo lagu tala galay in looga hortago halista walxaha qarxa, sida miinooyinka dhulka lagu aaso.

Japan ayaa lacagtaasi ku wareejineysa hay’adda ka hortagist miinooyinka QM UNMAS, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan safaarada Japan ee dalka Kenya.

Shantii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa Japan ay Soomaaliya ugu deeqday $7.3 milyan oo dhamaan wax looga qabanayay soo saarida waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale dowladda Japan ayaa sheegtay in ay tababaro siineyso ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo amniga dalka.

Qurat-ul-Ain oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda miinooyinka Qaramada Midoobay UNMIS ayaa si weyn u soo dhaweysay deeqda ay ka heleen Japan, taas oo ay sheegtay in ay wax tar u leedahay dhinaca badqabka dadka shacabka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this