Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Wasiir Xoosh oo maanta la keenayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa saacadaha soo socda ee maanta la filayaa in garoonka Aadan Cadde ee M/Muqdisho laga soo dajiyo Allaha unaxariistee Meydka wasiirkii Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo jimcihii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Abu Dubai ee dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Qaban qaabo xoogan ayaa ka socota Muqdisho, taas oo ay dowladdu ugu diyaar garoobeyso Aas Qaran oo loo sameynayo Marxuumkaasi.

Madaxda ugu sarreysa dalka, sida ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha iyo golayaasha dowladda ayaa ka qeyb gali doona Aaska wasiir Xoosh.

Dhanka kale waxaa saaka xiran Waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona aad loo xadiday dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha.

Ciidamo Boolis ah ayaa la soo dhoobay qaarka mid ah Isgoysyada caasimadda, kuwaas oo gabi ahaan xiray waddooyin muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa  lala xariirinayaa diyaargarowga ay dowldau ugu jirto soo dejinta iyo Aaska wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this