Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Gaaray Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN)- Wafdi hor dhac u ah ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xubnahan oo u badan wasiiro ayaa garoonka diyaardaha Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in uu gaaro magaalada Kismaayo.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland,balse lama oga waxyaabaha ay kawada hadli doonaan,inkastoo uusan fiicneyn xiriirka mas’uuliyiinta Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Wafdiga hor dhaca u ah safarka ra’iisal wasaare Kheyre ee Kismaayo ayaa imaanaya xili  uu maalin ka hor dalka dib ugu soo laabtay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo shir caalami ah uga soo qeyb galey magaalada Geneva ee caasimada dalka Switzerland.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this