Deeq A. Posted March 7, 2019 Baardheere (SMN)- Howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka iyo ka hor tagista jidgooyooyinka ay dhigtaan maleeshiyaadka hubeysan ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxay ka wadaan daafaha iyo wadooyinka soo gala degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Howgalkan oo wali soconaya ayaa ciidamada amaanka waxay ku baadi goobayaan maleeshiyaad dadka shacabka ah dhaca u geysta xiliyada ay ku safrayaan wadooyinka soo gobolka Gedo. Saraakiisha hogaaminaya howgalkaasi looga hortagayo jidgooyooyinka laguna xaqiijinayo amaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in faahfaahinta howgalka ay wadaan dib ay ka sheegi doonaan. Ma jirto cid ilaa haatan lagu soo qabtay howgaladaasi,sidoo kale maamulka degmada Baardheere ayaan ka hadlin howgalada ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya ee halkaasi ku sugan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites