Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Ugu Sareysa Galmudug Oo Kulamo Kawada Gudaha Maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Galmudug (SMN)-Maxamed Xaashi Cabdi madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa kulamo gooni gooni ah kawada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Kulamada uu wado madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa looga hadlayaa dib u heshiisiinta iyo wada noolaanshaha dadka shacabka ah ee ku sugan woqooyiga gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka qeyb qaato sidii loo adkeyn lahaa dib u heshiisiinta iyo amaanka dadka ku nool deegaanada dhaca woqooyi gobolka Galgaduud oo dhawaan ay uu dagaal dhexmaray.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xiisad ka dhacday deegaanka Balanballe oo dhexmartay beelo walaalo ah,waxaana uu ku baaqay madaxweyne ku xigeenka Galmudug in arintaasi xal lagu soo dabaalo.

Dhanka kale magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya kulamo gaargaar ah oo wado madaxa xukuumada Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.

Kulamada Dhuusamareeb ka soconaya ayaa looga hadlayaa sidii dib u heshiisiin looga sameyn laha guud ahaan maamulkaasi Galmudug iyo sidii loo qaban lahaa deegaanada ka maqan gacanta maamaulkaasi.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this