Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Oo Maal Galineysa Wado Isku Xirta Soomaaliya Iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN)- Dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabay mashruuc balaaran oo lagu dhisayo wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Togwajaale

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muusi Biixi oo ka hadlayey munaasabada daah furka mashruucaasi ayaa sheegay in dhismaha wadadaasi ay muhiim u tahay xiriirka ganacsi ee Itoobiya Somaliland

Madaxweyne Biixi ayaa hadalkiisa intaa ku daray in Somaliland ay Malaayiin Dollar oo faa,iido ah ka hesho ganacsiga kala dhaxeeyo dowladda Itoobiya.

Wadada isku xirta magaalooyinka Togwajaale iyo Berbera oo gaareysa 72 KM ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo mudo 18 bilood gudahood ah.

Madaxweynaha ismaamulka Somalida Mustafe Cagjar ayaa sheegay in dhismaha wadadaasi ay qayb weyn ka qaadaneyso kobaca dhaqaale ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Mashruuca lagu dhisayo wadadaasi oo ay ku kacayso 400 oo Milyan oo Dollar ayaa waxaa maalgelinaysa dowladda Imaaraadka Carabta

Ra,iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wada qorshe lagu xoojinayo dalalka bariga Afrika si sare loogu qaado kobaca dhaqaalaha ee gobalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this