Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa: Caruur Horey Loogu Xukumay 6 Bil Oo Xabsi Ah Oo Lasii Daayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex, Somaliland ayaa maanta xukuntay in xorriyaddooda loo celiyo 20 caruurta darbi jiif ah, kuwaasi oo horey loogu xukumay 6 bilood oo xabsi ah.

Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ah qareenkii u doodayey carruurtan ayaa Goobjoog u sheegay in wax dambi ah carruurtan lagu waayey maadaama markii la xukumayey lagu eedeeyey iney cabsanaayeen, islamarkaana xilliga ay wasaaradda shaqada u cabanayeen aanay wax maandooriyaha isticmaaleyn.

Waxa uu sheegay Mubaarak in xukumay siideyntooda maadaama aanay wax dambi ah lahayn.

Garabka dhallinyarada xisbiga wadani oo iyagu qabtay qareenkii carruutan u doodayey ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin go’aankan maanta kasoo baxay maxkamadda.

Waxay sheegeen iney ogaayeen xarrigaasi inuu sharci darro yahay sidaasi darteedna ay racfaan u qaadeen dhallinyaradan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/KHAALID-FOODHAADHI.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this