Sign in to follow this  
Deeq A.

Diinaari “Dowladda Haku Adkeysato Go’aannadii Ay Ka Gaartay Dawacadda Kenya” (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Ambassador C/raxmaan Diinaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siyaasad deggan u isticmaashay dowladda Kenya kadib markii ay sheegeen iney jareen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Waxa uu Diinaari oo la hadlay Goobjoog uu sheegay in Kenya ay dooneysay in Soomaaliya ay walwasho, sidoo kalena qalqal galo marka xiriirka loo jaro, balse wuxuu tilmaamay in qaab farsameysan loogu jawaabay Kenya.

Arrintaasi ayuu sheegay iney keentay in Kenya ay weyso cid taageero ku siisa go’aankeeda, taasi bedalkeedana ay dib u garowsato iney fududaatay.

Waxa uu dowladda federaalka ugu baaqay in aysan marnaba isku dabcin Kenya oo ay ku adkeysato go’aankeedii hore.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Wareysi-Ambassador-Craxmaan-Diinaari.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this