Sign in to follow this  
Deeq A.

Duulimaadyadii Jomo Kenyatta oo hakad galay iyo rakaab badan oo garoonka ku xayiran (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa sheegaya in hakad uu ku yimid dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi kaasi oo ah garoonka ugu weyn Bariga Africa.

Garoonka diyaaradaha ee Kenya ayaa shaqada laga joojiyay abaaro 03:30 am kadib markii la joojiyay dhamaan duulimaadyadii kasoo dagi lahaa kana duuli lahaa garoonka diyaarada ee JKIA.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Nairobi ay joojiyeen shaqaalaha shaqadii ay ka hayeen garoonka, waxaana taasi ay dhalisay in gabi ahaanba joogsadaan dhaqdhaqaaqiii garoonka.

Shaqaalaha garoonka diyaaradaha ayaa ka cabanaya maamul xumo ay sheegeen inay garoonka ka jirta, qaabka shaqaaleynta iyo qorshe ay maamulka Garoonka kula wareegeyso shirkadda Kenya Airways.

Dad badan ayaa ku xayiran Garoonka oo ay Soomaali ku jirto, waxayna gebi ahaan socon wax shaqo ah, waxaana rakaab badan ay ka buuxsameen gudaha iyo bannaanka garoonka, iyadoo xaaladu ay cakiran tahay.

1-1.jpg 3-1.jpg 6-1.jpg JOMO-KENYATTA.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this