Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada MUQDISHO ku sugan hubka ha laga dhigo

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya waxay mareysaa meeshi ugu xumeyd ee wadan gaaro xagga amniga. Dhibaatada heysata ummadda waxaa ugu daran in la soo hubeeyay niman aad moodo in looogu tala galay inay umadda laayaan wax naxariis ahna aysan u falin. Maanta oo Isniin ah waxaa ciidamada hubeysan ee magaalada dhex socda waxay dileen in ka badan seddax qof oon wax dembi  ah geysan.  Dembileyaashii dadkaas dilay waa xur meeshey doonaan maraaya cid wax u qabsatayna aysan jirin.

Arrinta ugu xun ee Muqdisho ka dhacda waa inay ciidamadu sidi ay doonaan u toogtaan dhallinyarada wada Bajaajada oo sidi tisxiga loo laayo. Askarta dembiga gashana looma qabto dhiiga ay gardarrada ku daadiyaan…waxaad moodaa in darawalada Bajaajta uu dhiigoodu xalaal yahay.

Dalka Talyaaniga wuxuu soo maray marxalad aad u xun oo ay heysten niman lagu magacaabo “Brigata Rossa” laga soo billaabo 1969 – 1980 ooy gaareen heer ay af-duubaan Raiisul wasaare can ahaa Aldo Moro oo mar la daalay meydkiisi laga helay baabuur meel yaala dabaiis (porta bagaglio) la so gelshay.  Xilligaas waxaa la soo rogay in ciidamadi “Crabinieri” hubka laga dhigay lagana mamnuucay inay hub ku sitaan magaalooyinka ilaa loo adkeysan waayay dhibaatada ku dheceysay ciidasmaddas oo cid waliba ay ku qeylisay in hubkoodi dib looogu soo celiyo si ay u daafacaan naftooda iyo tan dadweynaha.

Ciidamada dariiqyada taagan weligood lama kulmin Shabaab waxayna laayaan dadweynaha masaakiinta ah. Ilaa iyo haddana ma dhicin lamana arag hal askari oo loo qabtay dil uu geystay ama Maxkamad la soo taagay…waxaa la yiraahdaa askariga dilka geystay waa baxsaday warkiis damabana lama maqlo!!!.

Si umadaan looga badbaadiyo DIALKA MICO-DARRADA AH OO KU SOO BATAY DALKA,  SIIBA XAMAR, WAA IN CIIDAMADA HUBKA LAGA DHIGAA KUWI DILKA GEYSTAYNA LA SOO QABTO LANA MARSIIYO MUDANKOODA. WAA HADDII AY CADAALAD JIRTO. HOWSHAAS WAXAA LAGA RABAA INUU FULIYO JENERAL CABDULLAAHI BARIISE OO MAR KASTA U CUDUR-DAARA CIIDAMADA DADKA LAAYA.

Wixi aan ku gefay ha la ii cafiyo, wixi khalad ku jirana ka saxa adinkoo mahadsan.

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this