Sign in to follow this  
Deeq A.

Lacagtii laaluushka ee DF ay siin jirtay warbaahinta Muqdisho oo la hakiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilooyinkii la soo dhaafay ee December, January iyo February ayaa la sheegay in aysan wax lacag ah qaadan qaar kamid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ee laa-luushka laga siin jiray Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysaa in Dowladda Soomaaliya aysan bixin lacagtaas oo ay qaadan jireen Idaacado iyo TV-yo ku yaala magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in ay dhaqaalo xumi soo wajahday Dowladda Soomaaliya.

Idaacadaha iyo TV-yada ugu afka dheer magaalada Muqdisho ayaa bishii la siin jiray lacag u dhaxeysa 1,000$ ilaa 3,000$ waxa ayna lacagtaasi ku difaaci jireen Madaxtooyada Soomaaliya. Warbaahinta lacagtaan qaata ayaa waxaa mamnuuc ka ahaa baahinta wararka wax u dhimaya Maamulka Villa Somalia.

Mid kamid ah maamulada Warbaahinta lacagtaan qaadan jiray ee aan helin bilooyinkaan ayaa Caasimad Online u sheegay in aysan ogeyn sababta aysan u helin lacagta, balse ay qiyaasayaan in uu jiro culeesyo dhaqaalo oo ay wajaheyso Dowladda Soomaaliya.

Lacagtaan oo markii hore Warbaahinta loo siin jiray horumaris ayaa la sheegay in ay gaab wayn gashay markii agaasime cusub ay yeelatay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lacagta laga dhigay gadaal ka dhiib oo bilooyinka qaar aan lagu tashan.

Idaacadaha iyo Telefshinada Magaalada Muqdisho ee lacagta la siin jiray balse bilooyinkaan aan qaadan ayaa maalmahaan bilaabay warar looga soo horjeedo Xukuumadda, waana sababta uu u batay isku dhaca wariyaasha iyo Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Dhinaca kale, taageerayaasha Dowladda ee baraha bulshada ayaa sidoo kale qaadanin lacgtii ay qaadan jireen oo u dhaxeysa 100$ ilaa 300$ mudo ku dhow 4 bil.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay looga adkaa baraha bulshada ee Internet-ka. Taageerayaasha mucaaradka ayaa todobaadyadaan ku xooganaa Internet-ka waxayna arintaasi ay dhaawac wayn ku tahay Dowladda Soomaaliya.

Lama oga sababta arintaan ka dambeysa waxaa jira warar is qilaafsan oo sheegaya in ay arintaan sababtay dhaqaalo Xumi Xukuumadda heysata iyo warar kale oo sheegayaa in ay lacagta joojisay Haweeneyda agaasimaha ka ah Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this