Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war ka soo saartay kulankii Farmaajo iyo Abiy “Farmaajo waxa uu aqbalay xaqiiqda jirta”

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) –  Somaliland ayaa jawaab ka bixisay kulankii shalay magaalada Addi Ababa ay ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Kadib kulankaas ayaa qoraal kasoo baxay Abiy Ahmed, waxa uu ku sheegay in afar qodob oo uu Farmaajo kala hadlay uu qodob ka mid ah ahaa xaqiijinta xiriirka maamulka Somaliland, si loo taageero nabadda gobolka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay “Dawlada Jumhuuriyada Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay dawlad kaalin muhiim u ah kaga jirta arimaha gobolka gaar ahaan dhinacyada nabad galyada iyo horumarka dhaqaalaha ee gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba.”

Waxaa sidoo kale, qoraalka lagu sheegay in Farmaajo “uu aqbalay in aanu soo faro galin xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia.

Marka laga reebo qoraalada Abiy Ahmed iyo kan Somaliland, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsan waxa Farmaajo iyo Abiy ay iska yiraahdeen arrinta Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this