Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Abiy oo wada-hadallo ugu baxay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u amba-baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Labada hoggaamiye ayaa wada-hadallo la yeelan doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, si dib loogu soo celiyo, loona xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Nairobi, waxaana wada-hadallada Uhuru iyo Farmaajo oo Abiy Ahmed uu goobjoog ka noqon doono ay furmi doonaan berri.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo uu maanta magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo dhex-dhexaadinaya labada dhinac.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in wada-hadalladii Abiy iyo Farmaajo dhex maray ay isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Qoraalka Villa Somalia ayaa sidoo kale lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.”

Ra’iisul wasaraaha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa sida aan xogta ku helnay kala hadlay Farmaajo inuu kala dhex-galo isaga iyo Uhuru Kenyatta, islamarkaana ay wada-hadal ku xaliyaan muranka ka dhex ooggan.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal uu gadaal ka riixayo Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii tegay isna tegay magaalada Addis-Ababa, kaasi oo Abi weydiistay inuu uu ku qanciyo Soomaaliya inay wada-hadal la gasho Kenya, si loo xaliyo xiisadda badda..

Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal.

Agaasimada warfaafinta Villa Somalia oo ka hadlaya arrintan hoos ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this