Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Fiqi oo fasiraad yaab leh ka bixiyey safarka Farmaajo ee Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay ugu baxeen magaalada Nairobi.

Qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook oo arrintaas ku saabsan, hoos ka aqriso.

Waxaan rajaynaynaa in galbiska madaxweyne farmaajo uu Abiy Axmed u galbinayo Kenya saacadaha soo socda sida afhayeenkiisu sheegay uusan Soomaaliya ku keenin khasaare aysan ka soo kabsan iyo tanaasul aan laga fiirsan oo dhaxalkii umadda Soomaaliyeed laga sameeyo.

Waxaanse soo dhowaynaynaa in khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ee soo cusboonaaday bishii la soo dhaafay xal laga gaaro laguna soo celiyo halkiisii.

Waxaan si dhow ula soconaynaa safarka umadda Soomaaliyeed laga qariyey ujeedadiisa ee Adisababa warkiisa laga soo dirayo, ayadoo umadda Soomaaliyeedna ay indhaha ku hayn doonto wadahdalka Nairobi ka dhici doona iyo xarunta madaxweynaha Kenya Uhuru ee u eg mid uu madaxweyne Farmaajo u hoyanayo Uhuru Kenyatta, haddii wadahadalku mid dhexdhexaadin uu yahay aniga qiyaastayda wuxuu ka dhici lahaa Adisababa.

Si kastaba, waxaa jiray go’aamo tanaasul dawladaha deriska ah oo Farmaajo looga bartay sida kii Qalbi dhagax lagu dhiibay, ONLF-na lagu sheegay urur argagixiso, waxaan ku rajoweynahay inaan umadda loo celin doonin qalad kale oo taariikhda gala, lama aqbali doono qaladaad kale oo qaddiyadda umadda lagu dhabar-jabiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this