Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha JSl Oo Kulan La Qaatay Haayada Midawga Yurub.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ay weheliyaan Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Boliska Cabdiraxman Liibaan Fooxle iyo Saraakiil ka tirsan Boliska iyo waaxda Bolice Reform ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa xafiiskiisa kulana kula qaatay xubno ka socda haayada Midawga Yurub.

53043169_836505803369221_556230241722512

Xunaha ka socda midawga yurub oo kala ahaa
Thomas Kircher, oo ah Madaxa Dimoqraadiyadda (Head of Democratic Government), iyo Eva Atanassova oo iyana ah Maamulaha Barnaamijka Dimoqraadiyeynta (Democratization Programme Manager)

kulankan ayaa lagaga wada hadlay taageerada Midowga Yurub uu siiyo wasaarada arrimaha gudaha iyo booliska, iyo Sidoo kale dib u habaynta, xuquuqda aadamaha iyo xeerka booliska.

Midawga yurub ayaa inta badan Somaliland Ka Taageera Arrimaha doorashooyin iyo mashaariicda horumarineed ee dalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this