Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidii Abiy Axmed  Farmaajo ugu soo dhaweeyay Adis-Ababa+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Sidii Abiy Axmed  Farmaajo ugu soo dhaweeyay Adis-Ababa

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaadhay magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa kulan laba-geesood ah la yeelanaya maanta

Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulamo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Farmaajo-Abiy-1.pngFarmaajo-Abiy-2.pngFarmaajo-Abiy-3.pngFarmaajo-Abiy-4.pngFarmaajo-Abiy-5.pngFarmaajo-Abiy-6.pngFarmaajo-Abiy-7.pngFarmaajo-Abiy-8.pngFarmaajo-Abiy-9.pngFarmaajo-Abiy-10.png

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this