Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Kufsi iyo Dil geystay oo lagu toogtay Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Maxkamadda Garbahaarey ayaa saaka xukun toogasho ah ku fulisay Muxamuud Cali Xaamud oo kufsi iyo dil u geystay Marxuumad Xaliimo Cali Macalin Saalax 18 jir aheyd.

Ninkan oo 32 sano jir ahaa ayaa qirtay in uu geystay falkan, sida ay shaacisay maxkamaddu.

Fagaaraha lagu toogay ayaa waxaa ku sugnaa ehellada labada qoys, dad shacab ah iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta G/Gedo.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa goobta ka akhriyay xukunka dilka ah ee lagy fuliyay marxuumka.

28-kii bishan ayey aheyd markii go’aan kama dambeys ah oo ahaa xukun dil ah Llaga gaaray kiiskan oo ka dhacay agagaarka tuulada Reysqode oo 18 KM u jirta magaalada Gaarbahaarey oo dhacda koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this