Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyeyaasha Itoobiya Iyo Eritereya Oo Booqasho Ku Tagay Sudaanta Koonfureed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jubba)-Safarka Abiye Axmed iyo Isaias Afwerki isniintii shalay ku tageen dalka Sudaanta Koonfureed ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu doonayo in lagu bad-baadiyo heshiiskii horey loo dhex dhigay Dowladaasi iyo Mucaaridkeeda.

Abiye-Afewarke-Kiir-740x416.jpg

Heshiiskii ay sanadkii hore wada saxiixdeen Madaxweynaha dalkaasi Salfakiir iyo Mucaaridkiisa hubeysan ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu burburo xili hada la dareemayo abaabul cusub oo militari oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Bishii September oo sanadkii 2018 ayey magaalada Addis Ababa ku saxiixeen heshiiska Madaxweyne Salfakiir iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Machar, balse waxaa iyagu jira kooxo hubeysan oo diiday inay heshiiskaasi wax ka saxiixaan kuwaasi oo todobaadkan magaalada Addis Ababa kula kulmi doona Madaxda IGAD.

Bisha May ee sanadkan ayaa ah xiligii lagu heshiiyey in markale xilka Madaxweyne kuxigeenka uu qabto Machar oo hada ku sugan Khartuum, walow laga cabsi qabo kahor xiligaasi inay markale dib usoo cusboonaadaan dagaalada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this