Sign in to follow this  
Deeq A.

“Madaxweyne Farmaajo iyo taliyihiisa NISA wixii dhacay ayey dacwad ka yihiin”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu shalay soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay safarka deg degga ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ee Farmaajo ee magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan

Madaxweynaha wuxuu maalinta berri ah u socdaa dalka Itoobiya. Waxaa ka sii horreeya taliyihiisa Nabadsugidda. Waxaan maqlayaa in ay ashtako ka yihiin saddex geesoodka cusub ee shalay la yagleelay (Ethopia, Eriteriya iyo Kenya). Waxay kaloo dacwad ka yihiin casho sharaf uu Raysalwasaaraha Itoobiya u sameeyey madaxweynaha Kenya oo lagu casuumay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya.

Hoggaanka dawladda markii ay xukanka dalka la wareegeen waxa ay si xamaas iyo laablakac leh ugu celceliyeen in Soomaaliya aysan tii hore ahayn. Waxay shacabka kula hadleen in ay Soomaaliya miisaankeedii soo ceshatay, haa iyo maya-na oran karto, oo ay tahay qaran madaxbannaani buuxda leh oo dooran kara halka ay ka gelayso isbahaysiyada Geeska Afrika iyo Gacanka Khaliijka ku loolamaya.

Siyaasadda arrimo dibadda waxaa lagu kala heybadaystaa hadba inta uu miisaankaagu la egyahay, awood ciidan iyo mid dhaqaale labadaba, saaxiibka aad leedahay ee aad dhabarkiisa ku dangiigto. Soomaaliya haatan ma laha saamayn togan (leverage) oo ay culays diblomaasiyadeed ku samayso.

Waa dal ku jira marxalad iyo geeddi-socod uu uga soo kabanayo burbur iyo colaad sokeeye oo muddo dheer ragaadisay. Waa dal aanan weli laheyn itaal qarannimo oo looga haybeysto. Nasiibdarro maanta looma arko Soomaaliya dal qaran buuxa leh, sababtoo ah dawladdu ma laha awood ay ku ilaaliso gobonimada gudaha ee dalka (internal sovereignty) iyo gobonnimada dibedda (external sovereignty).

Gobonnimada gudaha waxaa ku haysta xoogag hubaysan sida Al-shabaab iyo kuwa aan hubaysnayn sida maamullada gobollada iyo Somaliland. Kuwa hubaysan waxaa ka ilaaliya ciidan ajnabi ah oo qaarkood dano toos ah ka leh Soomaaliya, kuwaasoo ciidankoodu uu ku jiro caloosho dalkeena.

Berrito lama yaabayo in Abiy Axmed garoonka ugu yimaado Madaxweyne Farmaajo oo baambayda loo garaaco, heesta calanka Soomaaliyana loo qaado, ka dibna ha socoto hawsha ay ahaato.

Qaran Soomaaliyeed wuxuu gobannimo buuxda heli karaa xilligii ay dawladdiisu Al-shabaab ka adkaato ama la heshiiso, markii ay gobannimada gabal gabal gobollada dalka u kala taal hal gacan soo gasho; midnimo Soomaaliyeed iyo isku duubni ummadeed la helo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this