Sign in to follow this  
Deeq A.

“Aniga ahaan waan taageersanahay in DF jarato lacagta bil walbaa la siiyo Galmudug” waxaa yiri….

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa ka hadlay lacagaha dowadda Soomaaliya ay siin jirtay maamulka Galmudug oo la sheegay maalmihii ugu dambeeyay in laga jartay.

Maxamed Carabeey, ayaa sheegay inay taageersan yihiin lacagtaasi la jarto, maadaama sida uu sheegay ay ku dhaceyso gacanta madaxweynaha maamulkaasi oo aysan gaareynin dhinacyada kale.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay seddex arin midood, oo kala ah in lacagtaasi loo qeybiyo labada dhinac ee Cadaado iyo Dhuusomareeb, In lacagtaasi gabi ahaanba la joojiyo iyo in guddi dhexdhexaad ah uu lacagtaasi maamulo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shaqsiyad ahaantiisa uu taageerayo in lacagtaasi dowladda Soomaaliya gabi ahaanba ay joojiso.

“Been Kuuma sheegayo boqolkiiba boqol aniga shaqsiyan iyo dadka aan matalo waxaan dowladda ku taageersannahay in lacagtii ay nasiin jirtay jarato intii shaqsi gaara ay u gacangali lahayd haddaysan xal kale hayn,Xaafna waa shaqsi lacagta malahan isagu ee Galmudug baa leh”ayuu yiri Mr Carabeey.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this