Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Ciidamada Amaanka oo qabtay koox dooneeysay in ay dil fuliyaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay 3-nin oo katirsan Al-shabaab oo doonayay in ay dilaan haweeneey.

Ragaasi ayeey ciidamada Booliska Soomaaliya ka soo qabteen degmada Wadajir ee Muqdisho xili ay doonayeen in ay dilaan haweeneey.

Haweeneeydaasi ayaa kamid aheyd xubnahii soo doortay Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in ay u dhici weeysay Bastooladii ay wateen si ay u dilaan haweeneeyda

3-daasi ruux oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa qirtay in ay Al-Shabaab katirsanaayeen dilal badana horay u geeysteen

Shacabka iiyodowlada ayeey ka codsadeen in ay cafiyaaan.

Dhinaca kale haweeneeydii ay doonayaan in ay dilaan ayaa la hadashay warbaahinta iyada oo sheegtay in ragaasi ay doonayeen in ay dilaan iyada oo ilmeeyneeysa ayeey codsi u dirtay dowlada.

Ugu dambeeynta gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tuulax ayaa wariyaasha uga warbixiyay qaabka ragaasi loo soo qabtay.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo ay geeystaan Al-Shabaab.

Puntland Post Muqdisho office

The post Muqdisho: Ciidamada Amaanka oo qabtay koox dooneeysay in ay dil fuliyaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this