Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiye mintid ah oo loo haystay inuu dhintay oo muuqaal soo duubay

Recommended Posts

Deeq A.   

mujahidmali.jpg?resize=662%2C325

Hoggaamiyaha kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Mali ayaa dib ugasoo muuqday muuqaal uu soo duubay, dhowr bilood kadib markii masuuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in la dilay.

Geerida Amadou Koufa ayaa si ballaadhan loo tebiyey, kadib markii bishii November ay ciidamo Faransiis ahi weerar gaadmo ah ku qaadeen.

Muuqaalka, oo Mr Koufa uu ku jees jeesayo wararka la xidhiidha geeridiisa, ayaa waxaa xaqiijiyey koox fadhigeedu yahay Maraykanka.

Ciidamada Faransiiska ayaa gudaha u galay dalka Mali sanadkii 2013, kuwaas oo dib u riixay kooxo jihaad doon ah oo dhul ballaadhan oo dalkaas kamid ah qabsaday. Si kastaba ha ahaatee, mindidiintaas ayaa ah wali ah khatar muuqata.

Weerarkii November kadib, afhayeenka ciidamada dalka Mali iyo Wasiirka difaaca Faransiiska ayaa xaqiijiyey geerida Mr Koufa, oo ah sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda ugu xoogga badan jihaad doonka ee JNIM.

Hataan ayaa waxaa dalka Mali oo dhan qabsaday muuqaal muujinaya Amadou Koufa, oo xidhan cimaamad cad, oo ku jees jeesaya ciidmada Faransiiska iyo kuwa Mali.

Afhayeen u hadlay ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay ku hawllan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen waxa ka run ah muuqaalkaas.

Mr Koufa ayaa lagu tilmaamay in uu yahay sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), taas oo weerarro joogta ah ku qaadday dalka Mali iyo dalka ay dariska yihiin ee Burkina Faso.

Faransiiska, oo horay usoo gumaystay dalka Mali, ayaa waxaa dalkaas ka jooga kumanaan kamid ah ciidamadiisa si ay uga hortagaan kooxaha fallaagada ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this