Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag ka tirsan Al Shabaab oo lagu soo bandhigay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay u soo bandhigay Warbaahinta rag ku hubeysan oo dilal ka geysan jiray M/Muqdisho.

Raggan oo gaarayay saddex ayaa waxaa la sheegay in Al Shabaab ay u qaabilsanaayeen dilalka ka dhaca degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ee G/Banaadir.

Xubnahani gacanta lagu soo dhigay oo la hadlay Warbaahinta ayaa qirtay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab, islamarkaana sheegay in xilliga la soo qabanayay ay qorsheynayeen dilka Hooyo Soomaaliyeed oo iibisa Qaadka, taas oo ay tilmaameen in ay ka tirsanyed Ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Dhankeeda Hooyada ka badbaaday dilkaasi oo la hadashay Wariyeyaasha ayaa u mahadcelisay ciidanka amniga, iyadoona ka codsatay madaxda dowladda in cadaalada la horkeeno raggaasi.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay sida ay ay uga hortagayaan falalka ammaan dari ee ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this