Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqii hore ee Xamar: Waa ballan inaan DF ka joojinno canshuurta magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cadde Xasan Cali Gaabow ayaa sheegay in dadka degan Caasimadda ay bilaabi doonaan in ay joojiyaan waxyaabaha ay ku taageeraan dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maadaama aysan jirin wax loo qabto Shacabka.

Cadde Gaabow waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhibaatooyin xooggan oo sababay in maalinwalba ay dhintaan dad shacab ah, oo ay haleelaan Qaraxyadda xilli ay bixiyaan Canshuurta ugu badan Soomaaliya.

Waxa uu wacad ku maray in shacabka Muqdisho ay joojin doonaan Canshuurta ay bixiyaan, maadaama loo diiday dadka kunool gobolka Banaadir in ay yeeshaan Maqaam Siyaasadeed.

“Haddii aan canshuurta na laga qaado waxba na looga qabaneyn, waxaa ballan ah inaan joojino, waana awoodnaa sababtoo ah dadka canshuurta laga qaado waa dakeena, igaarta canshuurta ururisana waa wiilasheena” ayuu yiri Cadde Xasan Cali Gaabow.

Hadalka Cadde ayaa qeyb ka mid ah dadaallo iyo olole isa soo taraya oo ay dadka u dhashay Muqdisho uga hor-tagayaan dowladda federaalka ah ee ku dul nool ayada oo aan waxba u qaban una ogoleyn matalaad rasmi ah.

Hoos ka dhageyso hadalka Cadde

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this