Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland “Kenya bixitaankeeda naguma wargelin balse anagaa qorshe la imaaneyno”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaareey (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ku kulmeen saraakiishii ugu badneyd ee ciidamada amaanka maamulka Jubbaland.

Kulanka saraakiisha ayaa ka dambeeyay maalmo uun kadib markii ciidamada Kenya ay baneeyeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo, waxaana ugu horeeyay saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Qaar kamid ah saraakiisha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kenya aysan ku wargelin bixitaanka ciidamadooda ee saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun, balse ay ka warheleen kaliya markii ay alaabtooda xirxirteen.

Saraakiisha ayaa xusay in shir gaar ah oo arintaasi looga hadlayo inay ku yeesheen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dajiyay qorshaha ciidamada Kenya saldhigyada ay baneeyeen loo buuxin lahaa.

Saraakiisha waxaa kale oo ay sheegeen inay diyaarinayaan ciidamadii la wareegi lahaa saldhigyada ciidamada Kenya ay baneeyeen, gaar ahaan saldhiga deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Saacado kadib markii ciidamada Kenya isaga baxeen Faxfaxdhuun Al Shabaab ayaa sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano badan.

Jubbaland ayaa wajaheysa culeesyo dhanka amaanka ah haddii ciidamada Kenya ay baneeyaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this