Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo agaasin cusub u magacaabay madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa agaasime iyo agaasime ku xigeen cusub u magacaabay madaxtooyada Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa agaasimha guud ee madaxtooyada lagu magacaabay Maxamed Cabdilladiif Yuusuf oo ka soo shaqeeyay hay’adaha sama’falka gaar ahaanna hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children.

Sidoo kale agaasimaha ku xigeenka madaxyooyada ayaa loo magacaabay Cabdiweli Cali Cabdulle oo isna ka soo shaqeeyay ururada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA.

Dikreetooyin is xigay oo saacado kooban madaxeweynuhu soo saaray ayaa hoggaan cusub loogu magacaabay taliska ciidanka iyo agaasinka madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo agaasin cusub u magacaabay madaxtooyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this