Sign in to follow this  
Deeq A.

Ducaale oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (SMN) – Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuubakar Isloow  iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Masar, General Maxamuud Towfiiq.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abubakar Isloow ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay kaalinta hoggaamineed ee Masar ay ku leedahay qaaradda Afrika.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inay Soomaaliya doonayso in ay ka faa’iideysto khibradda dalka Masar ee ku aaddan dhanka ciidmamada booliska.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Masar ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay  in ay laba-laabaan dadaallada wadajirka ah iyo iskaashiga labada dal ee dhanka ammaanka iyo xasiloonida.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka caawiyaan tababaridda Booliska.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay wada shaqeynta iyo inay laamaha amniga wadaagaan warbixinnada, si loo yareeyo  dambiyada iyo falalka argagixisada.

Labada wasiir ayaa kala saxiixday is-fahan la xiriira iskaashiga arrimaha amniga iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Kulanka waxaa goob jooga ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys iyo mas’uuliyiin kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this