Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Xasan SHEIKH oo shaaciyay nooca dowladnimada ay markale u raadinayaan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga UPD ayaa shaaciyay nooca dowladnimada Soomaaliya ay u raadinayaan.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladnimada ay raadinayaan ay tahay mid umadda Soomaaliyeed u horseeda inay ka saarto cabsida iyo walwalka ay qabaan ee dhanka amaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay raadinayaan mid ka fakarta Shacabka Soomaaliyeed oo la daala dhacaya dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalka.

” Dowladnimada aan raadineyno ma ahan mid dadka dhibta, ma ahan mid dadka Caburisa,ma ahan mid dadka noloshooda Ciriiri galisa Ilaaheey idinkiisna Waan keeneynaa”ayuu yiri Xasan Sheikh.

“Waxaan dooneynaa dowladnimo sharaf iyo karaamo iyo xoriyad noo keenta, oo cabsida naga yareysa, waxaan dooneynaa dowlad aan dadka dhibin, waxaan dooneynaa dowladnimo dadka danahooda ka fakarta, waana keeneynaa Insha allah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hayay talada dalka muddo afar sano ah, waxaana uu ahaa madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo oo si nabad ah xilka ku wareejiyay markii laga guuleystay kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this